Madaxweynaha Somaliland oo Dhamaal Tacsi ah u Diray ehelka Marxuun Gashaanle Sare Faysal Kaamil

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidamada kala duwan ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan ciidamada qalabka sida, Saraakiisha kala duwan ee ciidamada dalka, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Gashaanle sare Faysal Kaamil Ciise oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu ahayd 21/10/2016, Hargeysa.

Madaxweynuhu Waxa uu Marxuumka ku sifeeyey Sarkaal hawlkar ah oo muddo ka soo ag shaqeeyey, intii uu ahaa taliyaha ciidanka ilaalada Madaxtooyada JSL, qarankana ku lahaa taariikh lama illaawan ah,  kana tirsanaa ciidanka qaranka Somaliland isagoo ka mid ahaa saraakiishii bud-dhiga u ahaa aas-aaska ciidamada qaranka ee heeganka u ahaa wakhtiyadii adka ee qaranku ka soo gudbay.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, , Ciidamada kala duwan ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan ciidamada qalabka sida, Saraakiisha kala duwan ee ciidamada dalka, Waayeelka, Waxgaradka, aqoonyahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada  JSL.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.