Madaxweynaha oo ka qaybgalay Xaflada Qalin-jebinta Jaamacada Golis Fara-ceeda Burco Xadhigana ka Jaray Dhismaha Miiska Saraakiisha ee Ciidanka Qaranka Togdheer

Burco – (warsoor) – Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa gobolada Bariga ayaa maanta magaalada Burco kaga qayb galay munaasibad loo sameeyey arday ka qalin jabisay Jaamacada Golis qaybteeda Togdheer.

 Madaxweynaha oo khudbad u jeediyey Ardaydii ka qalinjebisay jaamacada golis ayaa yidhi “Dhammaan marti-sharafta, masuuliyiinta kala duwan, madaxda Jaamacadda, Macalimiinta iyo Ardayda “ASSALAAMU CALAYKUM WA-RAXMATULLAAHI WA-BARAKAATU”.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Ugu horreyn, sharaf weyn bay ii tahay, in aan idin kala soo qayb-galo xafladda qalin jebinta dufcadda 5aad ee Jaamacadda Golis ee Burco. Si gaar ah, waxaan u hambalyeynayaa, Ardayda maanta ka qalin-jebisay kulliyadaha Jaamacadda Golis ee Burco.  Sidoo kale, waxa hambalyo iyo boggaadin mudan, waalidka ku soo tabcay, iyo cid kasta oo gacan ka geysatay, guushan ay Ardaydu gaadheen.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Aniga oo madashan iyo munaasibaddan ka faa’iidaysanaya, waxaan jecelahay, in aan ku boggaadiyo Maamulka, Madaxda iyo Macalimiinta Jaamacadda Golis ee Burco, dedaalka iyo horumarka ay gaadhsiiyeen Jaamacadda, muddadii ay Jaamacaddu ka jirtay Gobolkan Togdheer.  Waxaan qirayaa, in Jaamacadda Golis ee Burco, ay kaalin weyn, oo la mahadiyey ka qaadatay, horumarinta, tayeynta iyo casriyeynta waxbarashada gobolka.

Waxa kale, oo aan qirayaa in Jaamacadda Burco iyo Jaamacadda Golis Burco, ay labaduba horumar weyn ka sameeyeen, dhinaca tayada aqoonta, mudadii aan qarankan Odayga u ahaa. Is-beddelkaa laxaadka leh, waxa sabab u ah, siyaasadda wax-barashada ee aan dalka ku hoggaaminayey, iyo maamulka labada jamacadood, oo ay hormood u yihiin Prof. Saleeban Dirir Cabdi iyo Prof. Cabdi-xakiin Maxamed Cabdillaahi, oo halkan uga mahad-celinayo.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Waxa xusid mudan, in Ardayda ka bixi jirtay Dugsiyada Sare iyo kuwa Dhexe, ee Gobollada Saaxil, Togdheer, Sool iyo Sanaag, ay ahaan jireen kuwo aad u hooseeya, dhinaca derajada imtixaanaadka shahaadiga ah, marka la bar-bar dhigo Gobollada kale, wixii ka horreeyey 2010-kii.  Xukuumadda Xisbiga Kulmiye, ee aan gadh-wadeenka ka ahay, waxay ku guulaysatay in ay waxbarashada ay kor u qaado, isla markaana ay isa-soo-gaadhsiiso gobolladii kala durug-sanaa. Waxa markhaati ma-doon u ah arrintan, in Gobolka Togdheer uu safka hore kaga jiray, sanadihii u dambeeyey, natiijooyinka imtixaanaadka shahaadiga ah (Dugsiyada Sare iyo Kuwa Dhexe). Ka Sokow, horumarka kala duwan, ee aanu ku soo kordhinay Gobolka Togdheer, waxa kor u kacay tirada iyo tayada waxbarashada kulliyadaha Jaamacadda Burco iyo Jaamacadda Golis Burco.

 

Duco-qabayaal,

 

Waxaan idinku guubaabinayaa, in aad ka fogaataan dhaqamada xun, ee aafeeya il-baxnimada iyo horumarka bulshoooyinka caafimaadka qaba, sida:

kala-qaybsanaanta, qabyaaladda, tahriibka, dal nacaybka iyo bal-wadaha. Waxa kale, oo aan idinku dhiiri-gelinayaa, in ay-daan waxbarashada ka daalin, oo aad halkaa ka sii wadaan.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Sida aad la socotaan, waxa maanta dalka ka bilaabmay ololihii Doorashada Madaxtooyada. Doorashooyinku, maaha kuwo inagu cusub, ee waxa aynu u leenahay khibrad iyo waayo-aragnimo. Hase-yeeshee, waxa jira da’yar badan, oo aan hore u codayn. Sidaa darteed, waxa waajib inagu ah, in aynu adkayno, nabadgelyada, midnimada iyo wada-jirka ummadda.

 

Waxa waajib inagu ah, in aan la isku ceebsan, kala duwanaanshaha aragtiyaha siyaasadda, cid-walba waa in lagu ixtiraamaa fikirka iyo aragtida uu aamin-san yahay. Waxaan shacbiga Somaliland, mar labaad ugu celinayaa, in aanay musharixiintu xaq idiinku lahayn, in ay idin dhex-dhigaan colaad iyo ciil-qab. Balse ay xaq idiinku leeyihiin oo keliya, in ay idin weydiistaan cod iyo caawimo.

 

Ugu dambayn, waxaan shacbiga ugu baaqayaa in ay doorashada ku galaan, nabad iyo deganaansho. Waxa reebban fidmo abuur iyo fad-qalallo.

 

Guuleysta,,, Guuleysta,,, Guuleysta,,,

 

Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu xadhiga ka jaray dhisme cusub oo loo dhisay ciidanka qaranka, kaas oo laga hirgeliyey xarunta miiska saraakiisha ee gobolka

kaas oo laga hirgeliyey xarunta miiska saraakiisha ee gobolka Togdheer.

 

              Naasir Yuusuf Daahir 

Director Presidential of Media

Hargeisa – Republic of Somaliland
            nasirnaska77@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.