Madaxweynaha JFS oo sheegay waqtiga Al-Shabaab looga xoreynayo dalka oo dhan

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Difaaca iyo Madax kale ayaa ka qeyb galay munaasabad loogu dabaaldegayo sanad-guurada 57-aad ee ka soo wareegtay aas aaska ciidanka xoogga dalka oo ku beegan 12-ka April, iyadoo munaasabaddu lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Ciidammada Xoogga qeybahooda kala duwan ayaa goobta ku soo bandhigay Fantasiyo qurux badan, waxaana fannaaniinta kooxda Horseed ee ciidanka Xoogga ay xafladda dhankooda ku soo bandhigayaan heeso iyo Riwaayada ka turjumaya xuska lagu weyneynayo sannad-guurada 57-aad ee ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha guud ee ciidammada Qalabka sida, oo  ay wehliyaan Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Gaashaandhigg iyo Taliyaha Ciidammada Xoogga oo dhammantood ku labisan Tuutaha Xoogga dalka  ayaa ka qeyb-galay munaaasadda 12-ka April ee aas-aaska ciidanka Xoogga.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo hadal kooban ka jeediyay xafladda ayaa sheegay in muddo labo sano gudahood ay ciidamada xoogga dalka ay dhagar qabayaasha Shabaab ka xoreyn doonaan guud ahaan deegaannada ay iminka ku dhuumaaleysanayaan, waxaana uu tilmaamay in meelkasta oo cadowga laga xoreeyo laga hirgelin doono maamul ay shacabka raali ka yihiin.

Madaxweynuhu waxa uu hambalyo u diray ciidamada xoogga dalka meelkasta oo ay joogaan in sanadkan kiise kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.