Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Hadashay Doorashada Madaxweynaha Cusub Mudane Muuse Biixi Cabdi Shaacisayna In Guddi Loo Saaray Wakhtiga Kala Guurka

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay najiitada doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay iyo wakhtiga kala guurka Xukuumad ahaan sida ay ugu diyaar garoobeen.

Wasiirka ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici oo uu ku hambalyey xilalka qaran ee loo doortay, sidoo kalen Wasiir Xaashi ayaa amaanay Madaxweyne Siilaanyo oo uu sheegay inuu dalka ka suuro-galiyey doorasho xor iyo xalaal ah.

Wasiirka Madaxtooyada oo u hadlay Xukuumadda ayaa sidoo kalena sheegay in labada Madaxweyne ay isla garteen xubno guddi ah oo ka shaqayn doona diyaarinta xil wareejinta iyo wakhtiga kala guurka waxaannu Mudane Xaashi arrimahaasi kaga hadlay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta Madaxtooyada waxaannu yidhi “ guul weyn ayey qarankan u tahay in doorasho xor iyo xalaal ahi ay ka dhacday, oo dunidu majeeratay oo dunidu qirtay, qaran ahaan guul weyn ayey inoo tahay, dhammaanteen waynu guulaysanay, waxa guul-daraystay oo kaliya saaka intii samaha Somaliland aan jeclayn. Waxaan halkan hambalyo iyo boggaadin balaadhan ugu soo jeedinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo muddo xileedkiisii ku gabagabeeyey in qarankan uu odayga u yahay uu ka suurto galiyo doorasho xor iyo xalaal ah, mar labaad waxaan hambalyo iyo boggaadin balaadhan u jeedinayaa shabiga Somaliland meel uu joogaba sidii wanaagsanayd ee bisaylka lahayd ee ay uga qayb qaateen doorashooyinkaas iyo guud ahaanba sida ay ugu heelan yihiin inay qarankooda nabad-galyadiisa ay u ilaaliyaan.”

“ Waxaan sidoo kale hambalyo iyo boggaadin u jeedinayaa guddida doorashooyinka qaranka oo muujiyey xilkasnimo, isku duubni iyo xil-gudasho aad u weyn oo doorashadaas ku maamulay si masuuliyad iyo mudakarnimo leh, waxa kale oo aan hambalyo u jeedinayaa ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo si geesinimo leh u gutay xilkii ka saarnaa qaranka ilaalintiisa, adkaynta ammniga, waana wax laga faano in maanta ay ciidamadeenu leeyihiin awoodaa iyo kartidaa.”

Wasiirka Madaxtooyada ayaa sidoo kalena hambalyey taageeryaasha xisbiga KULMIYE iyo Madaxweynaha iyo xigeenka cusub ee la doortay waxaanu yidhi “ Waxaan hambalyeynayaa taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee codkooda, cuudkooda iyo caqligooda ku suurto galiyey inuu xisbiga KULMIYE mar labaad talada dalka ku guulaysto, horumarkii iyo waxqabadkiina uu halkii ka sii socdo. Waxaan hambalyeynayaa Madaxweynaha cusub ee la doortay ee ku guulaystay jagada madaxweynenimo Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo Madaxweyne ku  xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Saylici oo mar labaad ku guulaystay jagada Madaxweyne ku xigeenka, guushaa xisbi ahaan KULMIYE gaadhay iyo xilkaa loo doortay intabada waan ku hambalyeynayaa.”

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu sidoo kalena hambalyey xisbiyada mucaaridka ee aqbalay najiitada doorashadii laga guulaystay waxaanu yidhi “ Waxaan boggaadinayaa oo hambalyeynayaa taageerayaasha xisbiyada Waddani iyo UCID oo u tartamay si qiimo leh, oo raganimo leh iyaga waan bogaadinayaa, waxaan hambalyo u jeedinayaa musharax u tarmayey jagada Madaxweynenimo ee xisbiga UCID Eng, Faysal Cali Waraabe oo si xilkasnimo leh u aqbalay najiitadii iyo geedi socodkii doorashada guud ahaanba, Faysal waa nin ku caan ah Somaliland danheeda guud inuu isbarbar taago, waa oday waayo arag ah, waxaan ku boggaadinayaa go’aamdaas geesnimada leh ee uu qaatay. Sidoo kale waxaan boggaadinayaa Gudoomiyaha xisbiga Waddani musharaxii jagada Madaxtinimo ee xisbigaasi Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), aqbaladii uu najiitadii aqbalay, Cabdiraxmaan waa nin odayg ah, waayo arag ah, qarankani wuxuu ka filayey wanaag, inuu mawqifkaas qaato waa laga filayey. waxaynu galayna Doorasho maynaan ahayn col is dilayey, manaynaan ahayn cadow kala cad goosanayey, waxa aynnu ahayn saaxiibo iyo sokeeyo, siyaasad ku tartamayey.”

Wasiir Xaashi waxa uu amaanay kaalintii dawlahada dariska ee doorashadii madaxtooyada waxaanu yidhi “ Waxa aan jecelahay in aan boggaadiyo dawladaha dariska Dawladda Itoobiya iyo Dawladda Jabuuti oo nagala shaqeeyey nabad-galyadii xuduudaha isu talowga dadkana noo fududeeyey, iyagana halkan ayaa ka boggaadinayaa, waxaan Iyana boggaadinayaa dalalkii aynnu saaxiibka nahay gaar ahaan Midwoga Yurub, Ingiirka iyo maraykanka oo si weyn saameyn talo iyo tusaaleba ku lahaa doorashadeena.”

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimaha looga baahan yahay in Madaxweyanaha cusubi uu xooga saaro waxaanu yidhi “ Madaxweynaha la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi waa siyaasi waayo arag ah, waxaan aamin-sanahay inuu yahay hoggaamiye balaadhan oo xilka horyaala oo ah midaynta ummadda qaybsantay maanta ururinkara, hadaynu shalay sadex xero kala xayn-daabanay, maanta waxa inala gudboon in aynnu qaadno xayn-daabkii iyo ceshiimadii dhexdeena ahayd, qabaa’il iyo beelo taryamayey ma jiraan, waxa tarmayey xisbiyo, waxa tartamayey sadex xisbi qaran, xisbiyadu way kala guulaysan karaan, doorashada way kala heli karaan, laakiin qabaa’il uma kala adkaan karno, reero-na ma nihin.”

“ Waxaan ku soo gunaanadayaa muddadan kala guurka ah ee najiitadii doorashadu soo baxday, waxaanu ku jirnaa diyaar garowgii xil wareejinta, waxaynnu sugaynaa in najiitadan guddiga doorashooyinka qaranku ay baahiyeen shalay ay xalaalayso maxkamada sare, taas oo ah najiitadii iyo go’aankii rasmiga ahaa, ka dib go’aanka Maxkmada dastuuriga ah muddo kooban gudahood Madaxweyne Siilaanyo wuxuu tallada dalka ku wareejin doonaa Madaxweynaha la doortay, labada madaxweyne waxay isla garteen xubno kooban oo ka shaqeeya, xiligan kala guurka iyo xil-wareejinta hawshaasi waa la bilaabayaa hadaa muddo gaaban ayaa lagu soo afkari doonaa, muddadii dastuuriga ahayd-na Madaxweynuhu wuxuu ku wareejin doonaa xilka uu hayey, waxaannu ku wareejin doonaa madaxweynaha la doortay.”

Wasiir Maxamuud ayaa meesha ka saaray in dayacaadi ay dhici karto wakhtiga kala guurka waxaanu yidhi“ Waxaannu shacbiga Somaliland u cadaynaynaa in aanay jirin masuuliyad dayacan mudda kala guurka ah, mudda madaxweynaha la doortay uu fiyaarada taagan yahay, madaxweynihii hore ee qaranka ayaa talada dalka masuul ka ah, sida uu tilmaamayo dastuurkeena qaranka qodobka 83-aad, farqada sadexaad.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.