Guddomiye Cirro Oo Loo Diiday Inuu Saldhiga Dhexe Ee Hargeysa Ku Bookhdo Masuul Ka Tirsan Xisbiga WADDANI Iyo Wariye Ku Xidhan

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna musharax Xisbi mucaaradka ah ee  WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa saaka ay ciidanka booliska ee saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa ay ka horjoogsdeen in uu bookhdo siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan Xisbiga WADDANI iyo Weriye Cali Mahdi Jirbiil  oo ah Suxufi ka hawlgala Tv-ga Kalsan,kuwaas ku xidhan saldhiga dhaxe ee Hargeysa.

Musharax C/raxmaan Cirro iyo masuuliyiinta la socotay ayaa loo diidey in ay bookhdaan labadaa maxbuus ee Xabisga ku xidhan, iyadoo ay ciidanka ilaalada saldhigo ka horr istageen guddoomiyaha iyo masuuliyiinta la soctay in ay fooda geliyaan saldhig, isla markaana ay bookhdaan sarkaalka ka tirsan ee Xisbiga  WADDANI iyo Weriyahaasi,iyadoo ay askrta saldhigu ay qoryo dhuunta kaga qabteen guddoomiyaha,waxaan xusid mudan in uu guddoomiye cirro  uu dib uga noqday saldhiga,isagoo hadda ku dukanaya salaada Jimcaha maasjidka ku yaala sarta ee dheer ee DAHABSHIIL ee DAMAL.

ciro-400x300

Dhanka kale ciidanka saldhiga dhexe ee magaalada Hargeya ayaa xabsiga dhigay qaar kamid saxafiyiin la socotay guddomiye cirro iyo weliba  gaadhigii gaarka ahaa ee xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI.

Ugu dambayntii Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna musharax Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI c/raxmaan Maxamed C/laahi cirro ayaa saaka ay ciidanka booliska ee saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa ay u diideen in uu saldhiga ku bookhdo siyaasi Muniir Axmed Cigaal iyo Saxafi Cali Jibriil Xasan oo saldhigaasi ku xidhan,iyadoo ay ciidanka saldhigu guddoomiyaha ku fiiqeen qoryo,isla markaana ay dib uga celiyeen saldhiga,waxaana xusid mudan in uu Md Cirro dib uga laabtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.