Guddiga madaxa bannaan ee xudduudaha oo kulan la qaatay Labada gole ee maamulka K/Galbeed

Muqdisho – (warsoor) – Guddiga madaxa bannana ee xudduudaha iyo federaalka ayaa kulan la qaatay labada gole ee maamulka Koofur Galbeed kaasoo lagu qabtay magaalada Baydhabo, waxaana looga hadlay xudduudaha Maamul gobaledyada.

Kulankan ayaa muddadii uu socday looga dooday su’aalo ku saabsan xog uruurinta soohdimaha Dawlad Goboleedyada Dalka.

Xildhibaannadii iyo wsiirradii ka qeybgalay kulanka ayaa halkaasi ku soo bandhigay fikaradahooda ku aaddan Xudduudaha Maamullada ka jira dalkeenna Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Xudduudaha iyo Federaalka Khaliif Cabdikariin Maxamed oo kulanka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa faah faahiyey ujeedada Kulanka isagoo xusay in kulankani ahaa mid wadatashi ah oo looga arrinsanayay sidii xal loogu heli nidaamka xuduudaha maamulgoboleedyada dalka.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamanka Dawlad Gobaleedka Koofur Galbeed ayaa isna dhankiisa Soo dhaweeyey kulinkan oo looga doodayey Xuduudaha maamullada ka jira dalkeenna Soomaaliya.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.