Golaha Wasiirada Jubbaland oo ka shiray Arrimaha Maaliyada

Galmudug – (warsoor) – Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta oo Khamiis ah Shir Gudoomiyay kulanka Todobadlaha ah ee Golaha Xukuumada.

Ajandaha Shirka Maanta ayaa waxaa ugu weyna Warbxin laga sugayay Wasaarada Maaliyada oo la xiriirta Hananka Maaliyada iyo dakhliga Sanadka 2017 ee Xukuumada.

Cabdirashiid Jire qalinle Wasiirka Maaliyada ayaa sheegay in dakhliga Sanadkan ee Dowlada uu kordhay marka loo eego Sanadkii hore ee 2016.

“Hawlaha Wasaarada iyo qaabaynta Miisaniyada Sanadkan waxay usocdaan sidii loogu tala galay iyadoo aan rajaynayno in koror uu ku yimaado dakhliga Dowlada ee Sanadkan” ayuu yiri Wasiirka Maaliyada.

Wasaarada Caafimadka ayaa soo bandhigtay hawlaha Wasaarada ee baahinta hananka Caafimadka taas oo la xiriirta qorshaha Sanadkan 2016.

Golaha ayaa Maanta laga dhex Akhriyay Wareegto lagaga dalbanayo Wasiiradu in ay ilaaliyaan xiliyada shaqada isla markana ay shaqeeyaan wakhtiyo dheerad ah marka baahiyaha gaarka ah iyo hawlaha deg dega ah ay jiraan.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.