Gabayga: Maantana warkii dacar

abwaan-sacad-axmed-xasan-photoAbwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile ayaa hal-abuuray gabaygan baroordiiqda ah oo ugu ducaynayo Prof. Axmed Cabdi Dacar oo ku geeriyooday magaaladda Hargeisa, taariikhda: 21/10/2016. Meerisyada gabaygani waxay isugu jiraan kuwa duco ah, kuwo taariikh-nololeedkii marxuumka ka hadlaya, iyo kuwo cibro-qaadasho ah oo macnaha adduunyada sida ay madadaalo u tahay sheegaya, iyo beydad ka hadlaya awoodaha illaahay iyo inay geeridu tahay maamulkiisa oo xaq ah, markaa waxaa kaaga kordhaya cibaado iyo baraarug.

Wuxuu Abwaanku ku bilaabay sidan:

Maantana warkii dacar miyaa, murugo soo yeedhay

Macallinkii aqoontiyo miyaan, mudanihii weynay

Madadaalo dunidaay miyaa, mood yar lagu daalay

Meel ruux na waarayn miyaa, laga macaan doonay

Miyaan Muxamed nebigii (scw) ka tegin, mawd xaq weeyaane.

Mahuraan adeer iyo awoow, lagama maarmeyne

Haddaan midhadh wanaag uu lahaa, milicsi kuu sheego,

Qof waliba manfaca uu taraa, lagu majeertaaye

Mabda’ii dhexnimo iyo runtii, maan xornimo qaatay

Muran kuma dhex quusayn kolkay, maayad socotaaye

Dawladnimo muxaafida hadday, cudud wax maagayso

Dulmi kagama meermeeri jirin, meel kastuu jira’e

Kol mucaaridkii weeranyoo, la isku maandhaafo

Iyagana miyirin wuxuu jeclaa, maan wax sheegiiye

Mur hadday qadhaadhahay xaqii, kama mildhaabayne

Midhihii tacliintiyo wixii, daris la maalaayey

Manfacada cilmiga aad dhigtaa, lagu macaashaaye

Oon maalin kaa go’in ajriga, aakhiraa mudane

Muftaaxii aqooneed ninkii, garasho maaxaayey

Manhajkii daraasiyo kulliyad, Macallin soo saarta

Maskax wuxuu la yimid aadanow, Marin la raacaaye

Jahliguu masaxay maalintuu, shiday misbaaxiiye.

Maandhow in badan wuxuu halgamay, maalmihii adage

Markii tawradii macangagii, maxasta laynaysay

Dabaabaabka miigiyo madfaci, dhibica moodaysay

Maatiduu u digay caalamkii, maganta noo dhawrye.

Intuu meelkasta u maray dalkani, magac inuu yeesho

Ictiraaf mabdi’i uu bandhigay, madasha reer caalam

Waad garan muhiimkii waxaa, maqan la raadceeyey.

Madarow aqlaaq wuxu lahaa, ugu macaanayde

Marna waxaan illoobay qalbiga, muxubadiisiiye

Maqaaladu qoraa noogu filan, madax war sheegeede

Mar haddaan la garanayn nin raggi, maalintuu joogo

Mugdi weeyi garashada dadkaan, mahadin ruuxoode

Makhluuqani u soo kacay dadkaa, mawjad hirar moodo

Aas qaran maqaamkiis miyaa, madax saf loo joogay.

Miisaanka ducadii ergada, maalig ugu deeqye

Macbuudkaan baryaynaa jannaa, lagu macaashaaye

Allahayow maciin kale malihin, adiga mooyaane

Masiibada danbiga saamaxdiyo, xumaha aad maydho

Marxuumkiyo intii nool dadkaba, muuminimadooda

Ruuxna kaama maarmoo rabbow, maalig baad tahaye

Wax la moogan yahay waad ogtoo, maan adaa garane

Hana hoojin maalmaha xisaab, milicda loo joogo

AAMIIN, AAMIIN

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun

Email: saadroodhiile@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.