Dooda xisbiga kulmiye ee leh isbadal shaqsi iyo mid siyaasadeed ayaanu idin wadnaa shacabow. Bulshada somaliland waxay ka tiri

adaxwaynaha mustaqbalka isagoo ilaalilanaya xeerarka iyo qawaaninta xisbiyada iyo qaranka u dagsan waxuu inta badan cabiraa dareenka shacabka ee ku aadan dhaliilaha jira.

Inta badan waxaynu aragnaa hawl wadeenada xisbul xaakimka oo leh isbadal ayaanu samaynaynaa, isbadalkasoo aan cadayn waxa uu yahay,

Inta badan bulshada wax faalaysa waxay u turjumaan isbadalka ay hadal hayaan hawl wadeenada xisbul xaakimka inuu yahay in madaxwaynaha talada lagala wareego si loo keeno muuse biixi oo ay ula baxeen hawl wadeenada tagera muuse bixi ordoganka somaliland.

Waxaynu ogsoonahay in muuse bixi uu ahaa mujaahid balse silaanyo oo ah madaxwaynaha talada gacanka ku haya ahna asaasaha xisbul xaakimka ahna kan fuliyay waxqabadka ugu badan ee laga qabtay jamhuuriyada somaliland loona yaqaano inuu yahay madaxwaynaha waxqabadka somaliland ama madaxwaynaha horumarka iyo cadaalada jamhuuriyada somaliland ayaad modaa inaysan u muuqan arinkaa hawladeenada mujaahid muse.

Dalkan jamhuuriyada somaliland waxaa soo maray sedex madaxwayne iyo silanyo madaxwayne walbana waxuu ku calamad sanaa waxqabad balse madaxwaynaha ugu waxqabadka badan bulshadana ay qirtay waa madaxwaye silanyo.

Bulshada jecel qaranimada,  jiritaanka iyo horumarka somaliland waxay u ololaynayaan in la helo madaxwayne kasii amba qaada horumarka maanta aynu cagta saarnay xisbigii doonaba haka soo baxee,

balse hawladeenada muuse oo aad modo inaan la siin training ku aadan qaabka bulshada wax loogu sheego ayaa ku andacooda in loo baahan yahay hogaamiye dalkan hogaamiya.

Se indhahoodu ma arkaan in madaxwayne silanyo yahay hogaamiyaha ruuxiga ah ee somaliland

Waxaynu kaloo aragnaa xisbiga kulmiye oo ah kan ugu muga wayn xisbiyada ka jira jamhuuriyada somaliland mid leh laba garab, garbahasoo kala taabacsan qaybta leh madaxwaynaha waxqabadka hala tagero inta muddo xileedkisa lagu jirana halaga ilaaliyo xaktimaha wax qabadkisa iyo qaar leh odayga waxqabadkisa mid ka wacan ayaanu soo wadnaa oo ah mid shaqsi iyo siyaasadeed ee meesha hala dhaafiyo inta uusan cabdiraxman saylici nagu soo dalicin oo uusan noqon madaxwaynaha dalka.

Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan usoo jeedinayaa hogaanka xisbiga in hawl wadeenada dooda loo hagaajiyo loona sheego doodaha abuuri kara kala shakiga xisbiga dhexdiisa ah.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

DAAWO/AKHRI:-Murashaxa Madaxweynaha WADDANI iyo Wefti uu Hoggaaminaayo oo Dalka Biljam Kulan Kula Qaatay Baarlamaanka Midowga Yurub[+SAWIRO]

 

Biljamka -(Warsoor)-:-Weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminaayey Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo maalmahii ugu dambeeyey socdaalka ku joogay boqortooyada dalka UK, ayaa socdaal ay isaga iyo qaar ka mid ah weftigaasi ku tageen dalka Biljam ee xarunta u ah Midowga Yurub, waxa ay kulan gaara kula yeesheen guddida Baarlamaanka Yurub u qaabilsan Afrika iyo arrimaha dibadda.

Weftigan oo socdaalka ay ku tageen xarunta Midowga Yurub ee magaalada Brussels uu ahaa mid ku yimi marti-qaad rasmi ah oo ay ka helaan Baarlamaanka Midowga Yurub, ayaa waxa guddoomiye Cirro ku wehelinaayey, Marwaddiisa Marwo Farduus Maxamed Rooble, guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbigaasi Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, xoghayaha arrimaha dibadda Dr.Maxamed Cismaan Fadal, la taliyaha guddoomiye Cirro ee arrimaha dibadda Marwo Faadumo Siciid iyo weli ba xoghayaha xidhiidhka wadamada Yurub iyo Xisbiga WADDANI Ambassador Diinaari, ku waasi oo dhammaantood ba si heer caalami ah looggu soo dhaweeyey dalka Biljamka.

Ugu horreyn Murashaxa Madaxweynaha WADDANI iyo weftiga uu hoggaaminaayo oo kulan la qaatay guddida baarlamaanka Yurub u qaabilsan Afrika iyo arrimaha Dibadda, ayaa ay si aada uga wada-hadleen xaaladda guud ee Somaliland, gaar ahaan xaaladda abaareed ee hada ka taagan dalka iyaga oo ka codsaday in Midwoga Yurub uu sii laban laabo dedaalkooda ku aadan siddii looggu gurman lahaa shacabka tabaaleysan ee abaarahu saameeyeen, waxaana ay sida oo kale si aada isu la gorfeeyeen dib u dhaca dhowrka jeer ku yimi Doorashooyinka Somaliland, hannaanka dimuqraadiyadda iyo weli ba xoriyatul qowlka iyaga oo dhanka kale na ay weftiggii guddoomiye Cirro halkaas ku soo bandhigeen faa’idooyinka ku jira Ictiraaf ay hesho Somaliland oo ay sheegeen in ay wax badan ka tarayso nabadda Geeska Afrika gaar ahaan la dagaalanka budhcad-baddeeda.

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdullaahi (Cirro), oo ka dib kulankaas ay la qaateen la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta, ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey waxyaabahii ay ka wada-hadleen labada dhinac isaga oo hoosta ka xariiqay in ay si aada ugu adkeeyeen siddii Midowga Yurub uu qeyb xoogga uga noqon lahaa gurmadka loo fidinaayo dadka abaarahu saameeyeen ee ku nool gudaha Somaliland.

“Waxa aanu halkan u nimi waxa ay ahayd in aanu Baarlamaanka Yurub kala hadalno arrinta ugu muhiimsan ee ah arrinta maanta ka taagan Somaliland, geeska iyo weli ba dhulka Soomaalidu degto ba oo ah abaarta iyo siddii looggu soo gurman lahaa shacbigaas. Waxa kale oo aanu halkan u nimi in aanu kala hadalno arrinta Somaliland guud ahaan oo Ictiraaf baynu muddo dheer dooneynay iyo Ictiraafku doorka uu ka ciyaari karo haddii Somaliland la siiyo oo ay ka mid tahay nabadda Geeska Afrika guud ahaan, la dagaalanka argagaxisada, shaqo abuurka, yareynta tahriibta, yareynta ama la dagaalanka budhcad baddeeda oo dhammaan ba waxyaalahaasi waxa ay ahaayeen waxyaalahii aanu kala hadalnay.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro.

 

Dhanka kalena xildhibbaanada midowga Yurub ee kulanka la qaatay weftiga uu hoggaaminaayey Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, ayaa waxa ay balan-qaadeen in ay fulinayaan balan-qaad hore ay u sameeyeen oo ay ku sheegeen in ay ka qeyb-qaadanayaan gurmadka abaaraha Somaliland iyaga oo sida oo kale na si aada u soo dhaweeyey qadiyadda Somaliland isla mar ahaantaana muujiyey tix-gelin gaara oo ay sheegeen in ay siinayaan arrinta qadiyadda Somaliland.

https://youtu.be/NpjFYnH9YY0

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.